Aleksander Cefrin Madaxweynaha Xidhiidhka Kubada Cagta Qaarada Yurub Oo Ka Hadlay Arinka Kooxda Liverpool Ee Hanashada Horyaalka PL.

Aleksander Cefrin Madaxweynaha Xidhiidhka Kubada Cagta Qaarada Yurub Oo Ka Hadlay Arinka Kooxda Liverpool Ee Hanashada Horyaalka PL.
Aleksander Cefrin Madaxweynaha Xidhiidhka Kubada Cagta Qaarada Yurub Oo Ka Hadlay Arinka Kooxda Liverpool Ee Hanashada Horyaalka PL.

Madaxweynaha xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ee Aleksander Cefrin ayuu kasoo yeedhay hadal ay si weyn ugu diirsadeen taageerayaasha kooxda Liverpool xilli dhawaanahan la hadal hayay in gabi ahaanba xilli ciyaareedka la kansali karo.

Garoomada kubadda cagta caalamka ayaa ah kuwo haawanaya haatan kaddib dhibaato uu dunida galiyay xanuunka China kasoo bilaabmay ee Coronavirus iyadoo inta badan ciyaaraha kala duwan si rasmi ah loo hakiyay ilaa hadal dambena aan la bilaabi doonin.

Maamulka horyaalka Premier League ayaa ah kuwo ay ka go’antahay in xilli ciyaareedka la dhammaystiro balse waxa la filayaa inay kaliya sidaas samayn doonaan isla marka ay dawladu fasax u siiso.

Cabsida laga qabo inay wakhti qaadan doonto inta laga gaadhayo in dunida xaaladeedii caadiga ahayd kusoo noqoto ayaa keentay in dadka qaar ay dalbadaan in xilli ciyaareedka waxba kama jiraan laga dhigo.

Kooxda dhibanaha ugu weyn noqon doonta haddiiba xilli ciyaareedka waxba kama jiraan laga dhigo ayaa ah Liverpool oo si arxan darro ah looga dafiri karo horyaalkeedii ugu horreeyay ee mudo 30 sano ah iyo midkeedii ugu horreeyay ee abid Premier League ah.

Si kastaba, Madaxweyne Aleksander Ceferin oo haatan qalbi dhiskii ugu weynaa siiyay kooxdaas ayaa sheegay in xataa haddii horyaalka dib loo bilaabi waayo uusan jirin sharci qoran oo Liverpool hanashada koobka u diidayaa balse ay heli doonaan hal ama laba wado oo ay koobka ugu gacan gelinayaan.

Ceferin oo arrimahaas ka hadlaya ayaa yidhi “Anigu ma arki karayo dariiqo Liverpool loogaga tagi karo koob la’aan, Haddii Premier League uu dib u bilaabo ciyaarta, Liverpool ku dhawaad hubaal way ku guuleysan doontaa horyaalka, Aragti ahaan wali horyaalku muu dhammaan laakiin muuqaal ahaan Liverpool ayaa qarka u saaran”

“Haddii fursad ahaan ay ciyaartu dib u bilaabmi weydo, Wali waa inaanu helno hab aanu ugu dhawaaqno natiijooyinka kama dambaysta ah, Si aanu ugu dhawaaqno kooxda horyaalka hanatay”

“Mar labaadna anigu ma arki karayo, Ma sawiran karayo, Sharci qoran oo ah inaysan Liverpool noqon doonin kooxda horyaalka hanatay, Laakiin waan aaminsanahay inay koobka ku heli doonaan hal ama laba daqiiqo”