Agustin Rodriguez Goolhayihii Hore Kooxda Real Madrid Ayaa Laga Xanuunka Coronavirus?

Agustin Rodriguez Goolhayihii Hore Kooxda Real Madrid Ayaa Laga Xanuunka Coronavirus?

Real Madrid ayaa dhibbane u noqotay xanuunka Coronavirus, waxaana dhowaan u geeriyooday Madaxweyne hore oo laba Champions League u qaaday sannadihii 1998 iyo 2000, waxaana ka dambeeyey madaxweyne kale oo isaguna si ku-meelgaadh ah kooxda usoo maamulay oo dhakhtarka la dhigay.

Qofkii ugu horreeyey ee Real Madrid ka tirsan ee xanuunkani ku dhacay waxa uu ahaa laacib ka tirsan kooxda kubadda kolayga ee Los Blancos taasi oo keentay in karantiil la geliyo dhamaan ciyaartoyda.

Agustin Rodriguez oo goolhaye u ahaan Jiray Real Madrid, ayaa hadda la sheegay inuu u jiifo xanuunka Coronavirus, laakiin xaaladdiisa ayaa la sheegay inay soo wanaagsanaanayso oo uu kasoo kabanayo.

Agustin Rodriguez oo ay da’diisu tahay 60 jir, waxa uu cimrigiisa ciyaareed ku qaatay Real Madrid iyo Tenerife, hase yeeshee badhtamaha bishii hore ayuu xanuunkani ku dhacay.

Laacibkan hore ayaa sheegay inuu hadda fiican yahay oo uu soo kabanayo, waxaanu ka sheekeeyey dhibkii soo maray xilligii xanuunku ku badnaa waxaanu yidhi “Nasiib wanaag, waan fiicanahay, Waxay ahayd toddobaad dhib badan, waxaanan ka cabsi qabay in xanuun hore oo sambabada ah oo aan lahaa uu igu soo laabto.

“Jidhka oo dhan ayaa i xanuunayay madaxa, dhabarka, Hurdada ayaa igu adkayd, Waxaan qol ku takoornaa muddo 15 maalmood waxaana i haysay cabsi badan sababtoo ah neefsashada ayaa igu adkayd.”