Abaal Marinada Tartankii Baxsane Cup Ee Kooxaha Heerka Sadexaad?

Abaal Marinada Tartankii Baxsane Cup Ee Kooxaha Heerka Sadexaad?
Abaal Marinada Tartankii Baxsane Cup Ee Kooxaha Heerka Sadexaad?

Iyadoo La Soo Gaba Gabeeyey Tartankii Baxsane Cup Garoonka Dhalinta Degmada Ibraahim Koodbuur Ee Magaalada Hargeysa.

Ayaa Waxaa Munaasibad Lagu Bixinaayey Abaal Marinadii Tartankaasi Lagu Qabtay Iman Center Hotel Ee Magaalada Hargeysa.

Lixda Abaal Marinood Ee Gudidii Koobka Gacanta Ku Haysay Bixisay Ayeynu Halkan Ku Eegi Doonaa Insha Allah Sidii Loo Bixiyey.

Goolhayihii Tartanka Waxaana La Gudoonsiiyey Sakariye Cabdi Cige Oo Kooxda True Cable Ka Tirsanaa.


Macalinkii Tartanka Baxsane Cup Waxaa La Gudoonsiiyey Khadar Jidaaye Macalinka Koobka Hantay Ee Kooxda Valencia.


Ciyaartoygii Ugu Fiicnaa Tartankii Baxsane Cup Waxaa La Gudoonsiiyey Maxamed Cabdiraxmaan Oo Kooxda Panaroma ahaa.


Difaacii Ugu Fiicnaa Tartanka Waxaa La Gudoonsiiyey Mustafe Cabdi Fariid Oo Kooxda Valencia Ka Tirsanaa.


Akhlaaqadii Tartankaasi Waxaa La Gudoonsiiyey Sakariye Maxamuud Mire Oo Kooxda Valencia Ka Tirsanaa.

Weerarkii Iyo Gool Dhalintii Tartankaasi Waxaa Hantay Cabdiwahaab Axmed Aadan Oo Kooxda Panaroma Ka Tirsanaa.

23-Muxaram-1442 Jimce By Tayo Qaran AL-AhmaDi.