Aaron Wan-Bissaka Oo Ka War Bixiyey Xidigii Ugu Adkaa Ee uu Wajaho Intii Uu Ku Guda Jiray Waayihiisa Ciyaareed?

Aaron Wan-Bissaka Oo Ka War Bixiyey Xidigii Ugu Adkaa Ee uu Wajaho Intii Uu Ku Guda Jiray Waayihiisa Ciyaareed?
Aaron Wan-Bissaka Oo Ka War Bixiyey Xidigii Ugu Adkaa Ee uu Wajaho Intii Uu Ku Guda Jiray Waayihiisa Ciyaareed?

Daafaca midig ee kooxda Manchester United ee Aaron Wan-Bissaka ayaa doortay xiddigii ugu adkaa ee uu wajahay waayihiisa ciyaareed ee sanadaha kooban soo jiray xilli uu xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ku qaadanayo Old Trafford.

Wan-Bissaka ayaa lagu sifeeyaa inuu yahay mid kamida daafacyada ugu adag dunida haatan isagoo ku caan baxay samaynta taakooyin uu ku dhibaateeyo xiddigaha garabkiisa kasoo weerartamaya.

Haddii qofkasta oo Wan-Bissaka si fiican u daawanayay xilli ciyaareedkan la weydiiyo difaacashadiisa waxa markiiba maskaxdiisa kusoo dhacaya garabka Man City ee Raheem Sterling oo uu dhawr jeer si cajiib ah u aamusiiyay una xakameeyay.

Haddaba, Rumayso ama ha rumaysan e, Wan-Bissaka ayaa Sterling ku sifeeyay midkii ugu adkaa ee uu isaga ahaan wajahay isagoo sababta ku sheegay in Sterling uu yahay mid markasta soo weerartama oo soo wajaha.

AWB oo ka hadlaya arrimahaas ayaa yidhi “Waxaan odhan lahaa waa Raheem Sterling, Kuwaasi waa dagaalada aan inta ugu badan kusoo raaxaystay”

“Isagu waxa uu sii wadaa socodka, Kaliya waxa uu sii wadayaa inuu adiga kuu yimaado, Muhiim maaha haddii uusan kugu dhaafin hal loolan, Waxa uu sii wadaa soo laabashada markasta, Sidaasi waa waxa aan jecelahay”

“Waan ku faraxsanaa qaab ciyaareedyadaydii labadii kulan Derby ee horyaalka ee natiijooyinkuna labadii jeerba waxay ahaayeen wixii aanu doonaynay”