Aaron Wan-Bissaka Ayaa La Waydiiyey Garankii Ay Ciyaartoy Kala Badasheen Hadaba Funaanadaasi Waa Kooxdee Talow?

Aaron Wan-Bissaka Ayaa La Waydiiyey Garankii Ay Ciyaartoy Kala Badasheen Hadaba Funaanadaasi Waa Kooxdee Talow?
Aaron Wan-Bissaka Ayaa La Waydiiyey Garankii Ay Ciyaartoy Kala Badasheen Hadaba Funaanadaasi Waa Kooxdee Talow?

Difaaca midig ee Manchester United sida layaabka leh ula qabsaday ee Aaron Wan-Bissaka oo muujiyey inuu hayay laacib aanay cidina kusoo dhiirran karin inay booskiisa ka waxyeellayso United ayaa waxa uu shaaciyey hadal ay suurtogal tahay inuu ka cadhaysiiyo taageereyaasha kooxdiisa.

Aaron Wan-Bissaka ayay United xagaagii tegay 45 milyan oo Gini kaga soo iibsatay Crystal Palace, waxaana muddo ka yar hal xili ciyaareed uu kusoo bandhigay tayadiisa iyo in isaga oo ay da’diisu tahay 22 sannadood uu kubbad qaan-gaadh ah dheeli karayo.

This image has an empty alt attribute; its file name is Wan-Bissaka-615x381.jpg

Laacibkan ayaa la weydiiyey shaadhkii ugu wanaagsanaa ee ay ciyaartoy kala beddeshaan intii uu garoonka ku jiray, waxaana si dhibaato la’aan ah uu usoo xushay funaanadda Liverpool ee ay colaadda iyo xafiiltanku ka dhexeeyaan Manchester United.

“Waxay ahayd tii aan ka helay sannadkii hore.” Ayuu si kooban u yidhi Aaron Wan-Bissaka.

Dhinaca kale, da’yarka Chelsea ee Reece James oo isagana la weydiiyey su’aashan ayaa waxa uu sheegay in funaanaddii uu ka beddeshay Wilfried Zaha ay tahay tan ugu sarraysa tiro funaanado ah oo uu meel ku kaydsaday.

“Ilaa hadda waxaan ka beddeshay Zaha, waa ciyaartoy wanaagsan oo si fiican u ciyaara. Waqti badan ayuu ciyaaraha kusoo jiray, waxaanu ka mid yahay garbaha ugu wanaagsan” Ayuu yidhi Reece James oo faahfaahinaya sababta funaanadda uu ka beddeshay Zaha ay u tahay mid wanaagsan.