5 SHAY OO AYNU KA BARANAY KULANKII AY LIVERPOOL GARAACDAY MAN UNITED.

5 SHAY OO AYNU KA BARANAY KULANKII AY LIVERPOOL GARAACDAY MAN UNITED.
malcab.com 5 SHAY OO AYNU KA BARANAY KULANKII AY LIVERPOOL GARAACDAY MAN UNITED.

Guushaan ayaa Liverpool ka dhigeysa inay 16 dhibic ka sareyso kooxda Manchester City oo ku jirta kaalinta labaad isla markaana 30 dhibcood ka sarreysa Man United lafteeda. Reds ayaa haatan u baahan kaliya 30 dhibcood si ay ugu guuleystaan ​​horyaalkoodii ugu horreeyay ee Premier League tan iyo 1990. hadaba Maxaynu ka baranay kulankii xalay?

1.Anfield Garoon kooxdii tagta lagu dubto.

man united ayaa ilaa haatan ah kooxda keliya ee dhibco kala tagtay liverpool xili ciyaareedkan laakiin kulankii xalay waxay awoodi waayeen inay sidii kulankii hore ay liverpool barbaraha kugu qabteen sameeyaan maadaama lagu dheelayey garoonka kooxaha premiere league-ga oo dhami ka sasayaan ee anfield, anfield ayaa noqday garoon kooxdii timaadaba lagu dubto ka dibna dhibcaha laga tirsado waana sida xalay ku dhacday man united, 12 kulan ooay liverpool ku ciyaartay garoonkeeda anfield dhamaan way wada guulaysatay. cajiib!

2. Man united oo noqotay midaan iskadifaaci karin kubadaha madaxa ah iyo laadka xorta ah.

sida sahalka ahayd ee uu virgil van dijk madaxa ugu dhaliyey kubada koornada ahayd ayaa noqotay wax soo noq noqday cili xiyaareedkan madaama dhowr jeer arintaasi dhacday, waxay werwer horleh ku abuuraysaa tabaraha man united iyo macalinkooda waa markii sideedaad (8) ee xili ciyaareedkan kubad koorna ah shabaqa man united la dhex dhigo, mana jiro koox kale oo tiro intaa leeg oo koorna ah laga dhaliyey sanadkan horyaalka premiere league.

3. Robertson vs. WanBissaka

dagaal xiiso leh ayaa si dhaqso leh uga soo muuqday dhinaca ay fuuda isku dareen Robertson iyo Wan-Bissaka, Aaron Wan-Bissaka ayaa u muuqday markii hore inuu ku guulaystay dib inuu riixo Andy Robertson oo ka ciyaara booska bidix isla markaana wxuuu diiday fursado uu kaga qeyb qaato weerarka dhanka bidix ee Liverpool – laakiin wax yar ka dib arintu way is bedeshay Robertson ayaa si sahlan ku garaacay wan bissaka, iyadoo xiddigii hore ee Crystal Palace uu u muuqday mid qalqal badani ku dhacay isla markaana aan awood u laheyn inuu halkiisa ka sii wado difaacashada, fursadihii ugu fiicnaa liverpool waxay ka heshay dhinaca bidix.

4. Fursadaha lumay
Inkasta oo ay sareyso Dhamaan tayada shaqsiyaadka garoonka dhexdiisa ku jiray hadana, waxaa jiray qiso aad u cajiib ah oo ah fursado qurux badan oo dayacay, Qeybtii hore, Andreas Pereira ayaa iska qasaariyey fursad weyn oo uu ku barbareyn karayey.

5. Hogaanka Liverpool, ma a mid la joojin karo.

Ka dib markii ay Man City iyo Leicester City labadoodaba hoos udhaceen isbuucaan, Liverpool waxay fursad u heshay inay mar kale muujiyaan inay yihiin kooxda Premier League ee ugu awooda badan hanashada horyaalka sanadkan 2020.

Waxa ay 16 dhibcood ka sareysaa liverpool kooxda ku soo xigta ee kaalinta labaad ku jirta halka ay man unitedna ka sareyso 30 dhibcood, liverpool waxay u baahntay 30 dhibcood oo keliya si ay ugu guulaysato horyaalka.