Wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga

Wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga
Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Wargeysa Qaarada Yurub Ka Qoreen Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Qaarada Yurub.

Arsenal waxay mushaharka u saddex laabi doontaa Gabriel Martinelli oo ay uga dhigi doonto £30,000 usbuucii si ay uga hor joogsato inuu u hanqal taago xiisaha uga imanaya Real Madrid.

Khadka dhexe ee Tottenham ee Christian Eriksen oo 27 jir ah ayaa u safri doona magaalada Milan oo uu tijaabada caafimaadka ugu mari doono Maanta oo Sabti ah  ama Axadda.

Xiddiga reer France, oo 33 jir ah, ayaa si dhif ah uga soo muuqday kooxda ka hoos ciyaarta Frank Lampard ee Stamford Bridge xilli ciyaareedkan.

Qandaraaskiisa ayaa dhacaya xagaaga, iyadoo Chelsea ay baadi goobeyso weeraryahan cusub, 33-sano jirka ayaa u muuqda inuu ka tagayo bishaan.

Sida ay qortay Mail, Barcelona ayaa u soo muuqatay inay u tartameyso saxiixiisa madaama ay raadinayaan bedelka Luis Suarez ee dhaawaca ah.

RMC Sport ayaa sheeganeysa in Gunners ay rajeyneyso inay dhameystirto heshiiska ciyaaryahanka reer France bishaan, laakiin ma jiro wax heshiis ah oo u dhow in la isku raaco sida ay wax yihiin.

Gunners ayaa sidoo kale lagu xamanayaa inay la xiriirto ciyaaryahanka, laakiin ilaa iyo haatan kaliya wadahadalo aan caadi aheyn ayaa dhacay.