Home BundesLiga

4 Kooxood Ayaa Isku Haysta Coutinho

4 Kooxood Ayaa Isku Haysa Coutinho
4 Kooxood Ayaa Isku Haysa Coutinho

Rabitaanka Philippe Coutinho ee uu rabo inuu ku laabto England ayaa dhalisay tartan dhex mara kooxaha ugu tunka wayn horyaalka ingiriisa,

Chelsea, Manchester United, Arsenal iyo Spurs ayaa dhamaantood wax ka weydiiyayBarcelona sida ay ku heli karaan ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Brazil dhamaadka xilli ciyaareedkan, 27-jirka u safta xulka Samba ayaa qirtay inuusan waligiis ilaabayn khaladkii uu sameeyey markii uu Liverpool kaga baxay £ 142 milyan oomarkaas oo uu u wareegayo Barcelona bishii Janaayo 2018.

Coutinho ayaa Xagaagii hore waxa uu amaah ugu biiray kooxda Bayern Munich laakiin kooxda reer Jarmal ayaan diyaar u ahayn in ay heshiis joogto ah ka dhigaan heshiiska Philippe countinho, waxaaanay doonayaan inuu ku laabto kooxdiisa barcelona.

Coutinho ayaa ku dhibtooday inuu qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigo Jarmalka waxaana uu dhaliyay kaliya labo gool islamarkaana wuxuu abuuray kaliya hal caawin 12kii kulan ee u danbeysay tartamada oo dhan.

ilaa hada siday wararku sheegayaan waxaa ugu cad cad helitaanka countinho kooxda chelsea siday wararkii ugu dambeeyey sheegayaan, sidoo kale waxaa lagu waramayaa inuu ku laaban karo kooxdiisii hore ee liverpool.