128-Sano Ka Hor Ayaa Ugu Danbaysay Guul Noocan Oo Kale ah Oo Ay u Dabaal Dagto Kooxda Man United.

128-Sano Ka Hor Ayaa Ugu Danbaysay Guul Noocan Oo Kale ah Oo Ay u Dabaal Dagto Kooxda Man United.
128-Sano Ka Hor Ayaa Ugu Danbaysay Guul Noocan Oo Kale ah Oo Ay u Dabaal Dagto Kooxda Man United.

Ka dib guushii weyneyd ee ay kasoo gaadhay kooxda heerka saddexaad ee Tranmere Rovers, Manchester United ayaa kulankaas kasoo samaysatay taariikh weyn oo ay ugu dambaysay mudo 128 sano kahor ahi.

Image result for man united

Kooxda tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa kulankaas iskaga kala yaraysay cadaadis ka saarnaa kulamadii ugu dambeeyay ee ay Premier League kasoo ciyaareen iyagoo kulankii u dambeeyay guuldarro lama filaan ah oo 2-0 ah kala soo kulmay Burnley.

Guushaas ayaa sidoo kale ahayd mid naqaska kasoo fujisay Solskjaer kaas oo ay sii xoogaysanayaan wararka sheegaya inuu shaqadiisa waayi karo walow uu isagu dhawaan si cad u sheegay inuusan booskiisa u baqanayn.

Image result for man united

Lixda gool ee ay kulankaas kusoo adkaadeen ayaa ahaa kuwo ay kala dhaliyeen kabtanka kooxdaas ee Harry Maguire, Diogo Dalot, Jesse Lingard, Phil Jones, Anthony Martial iyo Mason Greenwood.

Rekoodhka iyo taariikhda kulankaas looga diiwaan galiyay United ee ay ugu dambaysay 128 sano kahor ayaa ah inuu yahay kulankoodii ugu horreeyay ee ay lix ciyaartoy oo kala duwani shabaqa usoo taabtaan tan iyo 1892-kii.

Image result for man united

Kulankii ugu dambeeyay ee ay lix ciyaartoy oo kala duwani shabaqa u gaadheen Man United ayaa ahaa mid ay sanadkii 1892-kii 10-1 kaga guuleysteen Wolves kulan ka tirsanaa heerka koowaad ee England.